|

Ciidamada booliska soomaaliya iyo Booliska AMISOM oo howlgalo ka sameeya habeenkii Muqdisho..

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenadii la soo dhaafay ka socday baaritaano ay ciidamada amisom ka samaynayeen magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliska soomaaliya iyo Booliska AMISOM ayaa waxaa  habeenadii la soo dhaafay la arkayay ayaga oo Roondo ku maraya magaalada Muqdisho iyo Degmooyinka Gobolka banaadir.

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa si feejigan waxay howl galo roondooyin ah ugu sameeyaan wadooyinka Caasimada, Isgoysyada, iyadoo baro koontarool ka sameystay isgoysyada.

Sidoo kale ciidamadan ayaa tiro dhalinyaro ah u qab qabtay xaalada amaan iyo baaritaanadea habeenkii ah, waxaana la arkaa habeenkii ayaga oo baaraya gaadiidka meesha maro.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ahna Taliyaha hogaanka dambi baarista ee CID Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in howl galada ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortago falalka la doonayo in lagu qal qaliyo ammaanka shacabka.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*