|

Han-Weynida iyo Hor-Marka Maxaa ka Dhaxeeya? faallo

Han-weynidu ama in la hawoodo oo meel fog la higsado lana hindiso sidii loo gaari lahaa waa kadinka loo maro hormarka iyo guusha, dadka hormarka sameeyey ama ka gaaray nolashooda  meel loo hanqal taago waxay ahaayeen dad hanweyni badani ku jirto, meelaha ay ka fikiraana ay tahay meelo sarsare oy qayrkood ku dharoofin inta badan.dadka qaarbaa hankoodu yahay inay noolaadaan oo kaliya, qaar baa ku hamiyya inay masruuf u  helaan naftooda, kuwo kalaa ku fikira inay reerkooda biilaan ama meel biilka u saaraan, qaarbaa ku fikira inay wax barasho ka gaaraan meesha ugu saraysa, kuwaa kaga kaaftooma waxbarasho inay wax akhriyaan oo kaliya waxbarasho kalana sii rabin, qaar kalaa hanweynidoodu siisaa inay  diirada ku qabtaan yoolal fogfog  markay sheegayaan.

Hadaba han-weynida ( Himmada sare ) waxaa lagu tibaaxaa inay tahay matoorka kiciya awooda iyo tamarta ku qarsoon ruux walba,waxaana la isku raacsanyahay inuu qof kastaa karti leeyahay. hadaba matoorkaasi awoodo kale duwanbuu leeyahay,taasina waxaa la oran karaa waa hanka ruuxu leeyahay, sidaa awgeed baad arkaysaa dad isku lood ahaa oo kukala tagay nolosha, midbaa ah ma gudbe waligii hal meel ka miisa, midbaa hankiisu sii laba qarxaa sidii Cumar ibnu cabdilcasiis r.c oo la sheegay inuu ku hamiyijiray  inuu noqdo amiirul mu’miniin kadibna markii uu noqday u badalay hankiisii Janno inuu galo,wuxuuna yiri aduunyo arkaye hamigaygu waa Janno.

Way badan yihiin sheekooyinka laga hayo hanweynida iyo himmada sare, laakiin aan kasoo qaadano laba sheeko oo nadul joojinaya kaalinta ay kaga jirto Himmada sare hormarka ruuxa.

Sheekada koobaad waxaa la sheegaa inay dhacday xilliyadii loo yaqaanay taariikhda islaamka ( casru mamaaliik ) xilligaa waxaa ka jiray meelo badan oo kamida caalamka islaamka dad la adoonsado lagana mushtaro, hadaba nin reer masar ah baa sayladii adoomaha ka iibsaday laba nin, markii lagu wareejiyey ee uu u anbabaxay dhankii masar ayuu la kaftamay labadii nin ee uu badeeco ahaanta u watay, wuxuu waydiiyey : maxaad jaceshihiin inaad ka noqotaan Dalka Masar?

Mid kii horaa yiri: anigu waxaan jeclahay inaan ku aado nin leh mukhaayad, aan raashinkayga ka waayin, taasaan doonayaa inaan ka shaqeeyo kuna noolaado.

ninkii labaad baa isna yiri: anigu waxaan doonayaa inaan ku aado nin magac iyo muuq ka leh dalka, kaas baan doonayaa inaan ka agdhawaado, nolashaydana halkaa kasii miisa.

Ninkii ganacsadaha ahaa siduu usii waday labadii nin wuxuu ku shubay sayladii dadka lagu iibiniyey, qadartii rabbi iyo nasiib wanaag waxay labadii nin mareen nin kastaa meeshii uu jeclaa inuu maro.

Kii mukhaayada rabay waxaa qaatay nin mukhaayad leh, kii doonayey magac iyo meel sare waxaa qaatay nin sargaal sare ka ah dalka masar, nolashii baa wareegtay, sanado badan baa tagay, ninba meelbuu nolashii ka waday, wuxuu Allaah qadaray in ninkii  xukun doonka ahaa uu noqday madaxweynaha Masar, ninkaasi wuxuu ahaa aan kuusoo dhaweeyee  Kaafuur Alikhshiidi oo noqday suldaan caana oo ku xusan gabayadii gabayaaga Caanka ah ee ku magac dheer ( Almutanabi ) oo marna amaanay gadaashii dambana cay kala daalay markuu ka waayey gunihii gabayga uu ku qaadan jiray.

Kaafuur Alikhshiidi waxaa la sheegay inuu raadiyey ninkii saaxiibkiisa ahaa ee lala soo iibsaday wuxuuna waydiiyey: maxaad haysaa? Wuxuu ninkii ugu jawaabay : wali waxaan dabada hayaa distidii aad igu ogayd, wali distidii baan xalaa.

Markaasuu ugu jawaabay Kaafuur, ogow Han iyo Himmad baa nakala reebtay.

Sheekada labaad waa mid ka dhacday soomaaliya ninkii ay ku dhacday baana iiga sheekeeyey wuxuu yiri waxaa jiray oday xaafadanada caan ka ahaa oo caruurtu ku ciyaari jireen kana maadsan jireen, wuxuu samayn jiray odaygu intuu u yimaado caruurta xaafada ayuu ku dhihi jiray i bara quraanka ii akhriya qulacuudu birabbinaas, ii akhri faataxada, markuu saa ku leeyahay waa ka dhab oo dugsiga quraanka markuu la jooga kuma xifdiyo cashirka la siiyo markaa wuxuu doonayaa inuu caruurta ka meersado si ay u saxaan. Odaygii wuxuu dadaalkiisii sii wadaba ileen waa nin Hammi weyn xambaarsane, wuxuu noqday sheekh afarta mad-habba ka jawaaba, hadaba ninka ii sheekaynaya oo kamid ahaa dhallaankii ku ciyaari jiray odayga ayaa maalin soo galay misaajid wuxuu arkay sheekh xer aad u farabadan horfadhiyaan , wuu usoo dhawaaday , sheekha wajigiisa wuu garanayaa laakiin si qumaatiya uma soo saarayo, markii uu cashirkii dhamaaday buu usoo dhawaaday markale sheekii wuxuuna waydiiyey ma tahay nin halkaa joogi jiray oo quraanka baran jiray? Haa buu yiri sheekhi, ood kumaad ahayd adigu? Wuxuu yiri ninkii: waxaan ahay, caruurtii aad ku dhihi jirtay ii akhriya faataxada.

Sheekhii intuu qoslay buu yiri, anigu ilaa waagii wax unbaan baranaayoo,illaa aan soomaali galbeed iyo dhulkaas aan inbadan ku maqnaa, ee adigu maxaad haysaa?

Wuxuu yiri ninkii sheekada noo waday: anigu sheekhaw wali cammo ma dhaafin.

Isku duuduub waxaan qormadan gaaban kusoo gunaanadayaa, in Han-weynidu iyo Himmada saraysaa aytahay, mid muhim ah waana midda ka maqnayd ninkaa wali distida xalaya iyo kan aan cammo labaatanka sano dhaafin, Hadaba Hanwaynidu waa wax looga baahan yahay qof walboo muslin ah inuu noqdo qof hankiisu yahay mid sareeya, Himmo lagu hawoodana waxaa ugu weyn Janno. Aduunkana wixii nasiiba eed ku leedahay ku hammi oo ha halmaamin.

Waa qoraallo Taxane ah oo ku saabsanaan doona Hormarinta Nafta iyo isbaddalka wanaagsan

Qore / SH. Maxamuud Axmad Naasir ( Manaasir )

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*