|

Tababarkan maalgalintiisa lahaa xafiiska siyaasada Q.Midoobey ee Soomaaliya UMPOS ayaa waxaa uu maanta ka Furmay xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis..

Tababarkan maalgalintiisa lahaa xafiiska siyaasada Q.Midoobey ee Soomaaliya UMPOS ayaa waxaa uu maanta ka Furmay xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

Munaasabad aad la isugu soo duba riday oo ay ka qaybgaleen Wasiir dowlaha iyo wasiir ku xigeenada wasaarada arrimha Gudaha iyo amniga Qaranka, Taliyaha ciidanka Booliska iyo Saraakiil kale waxaana xubnihii ka hadlay dhamaantood ay aad Ugu booriyeen  darawalada la soo xulay in ay ka faa’iideystaan Duruusta la siinayo.

Taliyaha ciidanka Booliska  Soomaaliyeed S/gaas shariif Shiikhuna Maye oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay Xubnaha tababarka qaadanaya in ay ka faa’iideystaan casharada Ay ku qaadanayaan tababarada islamarkaana ay dhowraan Waqtiga loogu talagalay furitaanka barnaamijka isagoo dhanka Kale sanadkan cusub ku tilmaamay sanadkii Booliska Maadaama tababaro isku xig xiga ay heli doonaan

Wasiir dowlaha wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali oo furay siminaarka ayaa waxa uu Talaabo wanaagsan ku tilmaamay tabaarada nuucan ah isagoo Xubnaha loo soo xulayna ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan  si Iyaguna ay uga faa’iideeyaan darawalada kale ee Saxiibadooda ah.

Tababaradan is xig xiga ee uu taliska Boolisku sheegay ayaa Waxa looga goleeyahay kor u qaadida garaadka iyo aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaas oo hada dib u dhiskiisu Uu meel wanaagsan soo gaaray marka loo eego sida burburkii Dalka ka dhacay uu u saameeyay waxaana hubaal ah hadii Howshaan tababarka la jookteeyo in wax weyn ay iska badali Doonaan tayada ciidanka Booliska soomaaliyeed.

www.nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*