|

Ciidamada Amaanka Kenya oo saacadihii la soo dhaafay Raaf xoogan ka wadau islii gaar ahaan Seven Streat iyo meelo kale.

Ciidamada Amaanka Kenya Ayaa  saacadihii la soo dhaafay waxay howlgalo ka wadeen magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii.

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka fudud kuwaas oo wata baabuurta somalida u taqaan loori ayaa joogay wadooyin badan waxaana ka mid ah goobaha ay dadka kala baxeen Xafada Seven Streat Ee magalaada Nairobi, kuwaas oo ka sameeyay raaf Xoogan.

Ciidamada Looyaqaan (Koofiyad Guduudka) ama jayshuu ayaa gaaf wareegayay wadooyinka islii kuwaas oo dad ka qabanaya wadooyinka waxayna dadaka u galayaan qaar ka mid ah guryaha.

Ciidamada oo Wata Baaburta Meliteriga Ayaa inta Badan Guri Guri Waxay U galayaan xaafada islii ee Magaalada Nairobi Gar ahaana Sevenka Oo ka Mida xafada Soomaalida degan yahiin,Kuwaasi oo Baaritaano ka wada.

waxa Cabsi iyo wal wal Soo food saray soomaalida islii xili Dhawaan lagu Amrayey Inay isaga baxaaan Magaalada nairobi Ayna Iska Diwaan galiyaan xeryaha Qaxoontiga Kuyaalo deegaanka dhadhaab.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*