|

Wufuud ka socota Galmudug oo gaartay maamulka Ximan iyo Xeeb ee Degmada cadaado..

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb soo gaaray wafdi nabadeed oo ka socday maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Gaalakacyo.

Wafdiga ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada Cadaado kaga hortagay mas’uuliyiin ka tirsan wasiirrada maamulka Ximan iyo Xeeb iyo waxgarad kale, si ay ugu soo dhaweeyaan degamada Cadaado.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Cumar Salaad Cilmi oo la-taliye ka ah barnaamij nabadeed oo loogu magac daray “Gun ka soo dhiska nabadda G/dhexe”, iyadoo ay qayb ka ahaayeen wafdiga ilaa 40-Xubnood qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ka kooban yahay.

Kulan balaaran oo lagu qabtay Baar Tawfiiq, ayna ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo qaybahaka kala duwan ee bulshada labada dhinac ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabad kuwada noolaashaha shacabka labada maamul iyo xalinta khilaafaadka la xiriira aanooyinka qabiilka ee mararka qaar ka dhex dhaca dadka reer miyiga ah ee dariska ah.

Dr. Cumar Salaad Cilmi oo wafdigan hogaaminayay ayaa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Xassan Xaashi, oo ah gudoomiyaha gudiga nabadaynta u qaabilsan Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb o madasha adal ka jeediyay ayaa ka hadalay mudadii sanadaha ahayd ee ay wadahalada nabadeed soo wadeen.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug Xabiibo Koofurow ayaa waxa ay iyana waxa ay shirka ka sheegtay in shacabka labada dhinac looga baahan yahay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan maslaxadooda.

Ugu dambayn wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa isna madasha ka sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqayn doonaan isdhexgalka bulshada labada dhinac.

Maamullada Galmudug iyo Ximan Iyo Xeeb ayaa deegaanada hoos yimaadda waxaa ka dhaca dilal iyo dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha labadaas maamul ku kala jira, waxaana iminka lagu guda jiraa sidii colaadaas loo dhameny lahaa.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*