|

Maamulka G/Banaadir oo beeniyay in qof ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Muqdisho uu ahaa ninkii Miinada ay usoo dhiibeen Shabaab, Warsaxaafadeed

Kadib markii 31-December2012 ay soo shaacbaxday Qarax miino oo la damacsanaa in lagu qaarajiyo duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxaa warbaahinta ay isticmaashay in qofka miinadasasi loo soo dhiibay uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho.

Hadaba markii aan baaris dheer sameynay kadib waxaa caddaatay in Tahaliil Claahi Nuurre uusan ka tirsaneyn shaqaalaha dowaldda hoose ee Muqdisho iyo G/Banaadir midna.

Laakiin uu ahaa darawal kamida darawalo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose ee Muqdisho.

Sidaa daraadeed maamulka gobolka Banaadir wuxuu si cad usheegayaa in Tahaliil Claahi Nuurre oo ah qofka miinada loo soo dhiibay uusan katirsaneyn shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wabilaahi Towfiiq.

Md. Maxamed Yuusuf Cismaan

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*