|

Shirkadaha Ganacsiga oo Xiligaan Bilaabay inay kaqayb-qaataan Dagaalka Alqaacida & Alshabaab

Maalmahan waxaa kasoconaya magaalada muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha shirar isdaba joog ah oo ay yeelanayaan Ganacsatada waaweyn ee kusugan Magaalada Muqdisho, shirkii ugu danbeeyeyna waxaa lagu qabtay Xarunta shirkada Hormuudtelcom Maalinimadii shalay 01/01/2013 waxaana layskula sooqaaday in laga qayb-qaato dib-udhiska dalka gaar ahaan dhinaca nabadgelyada.

Waxaana ugu horeyn furay shirka Afhayeenka shirkada Hormuudtelcom Mudane Caynaanshe wuxuuna hoosta kaxariiqay inay munaasab tahay in laga qaybqaato horumarinta dalka iyo weliba xasilinta dalka ,gaar ahaan inay dhisaan ciidan ladagaalama kooxaha burcada ah & Kuwa looyaqaan haraadiga Alqaacida iyo Alshabaab.

Shirkan waxaa kaqaybgalay ugu yaraan 12 shirkadood oo waaweyn waxaana sooqaban qaabisay shirkada Hormuudtelcom oo ah hogaanka shirkadaha dalka ahna shirkada ugu qiimaha badan dhinaca waxsoosaarka iyo gacansiinta bulshada danyarta ah, waxayna Xili kasta u taagan tahay wax-uqabashada ummadda Soomaliyeed sidaas waxaa yiri Afhayeenka shirkadaas.

Bilihii ugu danbeeyey ayaa dalka waxaa si xowli ah uga socday ladagaalanka ururada alshabaab iyo Alqaacida, waxaana hawshaas si buuxda uga qayb-qaatay Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyed & kuwa Amisom waxaase meesha kamaqnaa gacansiinta shirkadaha ganacsiga oo inta badan lagu xanto inay gacan siiyaan labada qaybood ee isku haya gacan kuqabashada dalka soomaliya.

Qaar kamid ah shirkadihii kaqayb-galay shirkan ayaa kudhaliilay shirkadaha isgaarsiinta inay gacan siiyaan kooxaha dagaalka kula jira Dawladda Federaalka Somaliya, iyo weliba kuwii kahoreeyey ee KMG ahaa , waxayaabaha lagu dhaliilay shirkadaha isgaarsiinta waxaa kamid ah inay sameeyaan barnaamijyo u fududeeya in qofku meelkasta uu joogo kuhelo dhaqaale sida barnaamijka EVC PLUS .

Waxaana laga dhursugayaa sida ay shirkadahani uga miro dhaliyaan hadafkooda ayna uga run sheegaan shirarkooda iyo kulamadoda, Waana markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay dhacdo shirkadaha ganacsiguna ay xil iska saaran xasilinta dalkooda.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

www.nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*