|

Dhismaha Dowlada Turkiga ee Muqdisho iyo dadaalka safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh, Sawiro..

Dowlada Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ka Wada dhismooyin kala duwan, kuwaas  oo balan qaaday in ay la mataanayn doonaan Caasimada Istanbuul ee Dalka Turkiga iyo caasimada Muqdisho.

Muqdisho waxaa ku sugan shirkado badan oo u tartamaya dhisida wadooyinka iyo Xarumo casri ah, waxaana ay ka mid ah Shirkado ka socda Dowlada Turkiga oo ku howlan bilic soo celinta Muqdisho.

Dowlada Turkiga  oo ka mid ah Dowladaha ugu Qanisan Dalalka  caalamka laguna tilmaamo in ay dhacdo Yurub, waxaa safiir ka ah  Danjire Maxamed Mursal Sheekh waxaana safaarada Soomaaliya ay tahay mishinka dhaqaajiya xiriirka labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Dowlada Turkiga waxaa ay ahayd Dowladii ugu horeysay oo si Deg deg ah u soo garab istaagtay Umada Soomaaliyeed Xili loo baahnaa gacan Walaaltinimo.

waxaana jirey lacago iyo weliba maraakiib gargaar ah oo ay dalka Soomaaliya  keeneen Dowlada Turkiga, waxaana dadaalkaas waday oo daba socday Safaarada Soomaaliya ee Turkiga, ee uu Safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh iyo shaqaalaha safaarada oo Muujiyay Howlkar iyo dadaal dheeri ah.

Safaarada Soomaaliya ee Turkiga  waxaa la dhihi karaa waxay qaaday Mas’uuliyada dadaalkan ee  Dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ku Xusuusan doonaan, waxaana Mas’uuliyiinta Dowlada Soomaaliya ay Muujiyeen dadaalka safaarada Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya ee Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh.

Wax muuqda ayey safaarada Soomaaliya ee Turkiga ka sameesay howlihii shaqo oo ay u heysay Soomalida halkaas dagan, waxaana ka mid ah in aad ka helayso adeega mar kasata aad uga baahato safaarada, hadaa tahay Soomali ama muwaadin Soomaaliyeed.

Soomaalida halkaas dagan waxay gaarayaan kumanaan qofood, waxayna si diiran u soo dhaweeyeen howsha shaqo ee safaarada Soomaaliya ay ku leedahay  Turkiga ee uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh.


Soomaalida Turkiga  ku sugan waxaa ka mid ah arday halkaas u joogta wax barasho, iyo Soomaali kale kuwaas oo ku hela dalkaas Xoriyad taam ah, taasina waxaa Mas’uuliyadeeda qaaday safaarada Soomaaliya ee  Turkiga iyo shaqaalaheeda oo Xili kasta u Heegan ah Qancinta  Soomaalida halkaas Joogta.

Danjire Maxamed Mursal Sheekh ayaa ah safiirka Soomalida ee Turkiga , waxa uuna safaarada ku sameeyay isbadalk muuqda oo aan la dafiri Karin, taasi oo u muuqata mid ku sii Talaabsanaysa horumar la taaban karo.

Xili uu uu hayo safaaradaas mudo kooban waxayna la siman tahay safaarado horay u soo shaqeeyay, kuwaas oo waxqabadka safaarada Turkiga mudada kooban ay jirto la siman.

Mudnaantaas ka Sowkow waxaa Mas’uuliyadeeda qaaday ama dhabarka u Ritay safaarada Soomaaliya ee Turkiga  oo uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh oo ah Somali in badan ku soo dhex jiray howlaha shaqo ee Safaarada.

Wax muuqda ayey safaarada ka sameesay howlihii shaqo oo ay u heysay Soomalida halkaas dagan, waxaana ka mid ah in aad ka helayso adeega mar kasata aad uga baahato safaarada, hadaa tahay Soomali ama muwaadin Soomaaliyeed. .

Mudnaantaas ka Sowkow waxaa Mas’uuliyadeeda qaaday ama dhabarka u Ritay safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh oo ah Somali in badan ku soo dhex jiray howlaha shaqo ee Safaarada.

Safaarada Soomaaliya waxay dagan tahay mid ka mid ah daaraha ugu Qurxoon Caasimada Turkiga, waxaana joogo shaqaale Soomaaliyeed oo loo Carbiyay soo dhawaynta dadka markaas soo booqda safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Caasimada Turkiga Istanbul.

Aqristow waxaa dalka Turkiga  tagay Dabayaaqadii Sanadkii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxda Turkiga, waxaana arintaas garwadeen ka ahaa safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh .

Sidoo kale danjire Danjire Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxa uu si toos ah u qaabilaa Soomaalida safaarada shaqada uga baahato, halka aad arkayso marka aad tagto safaaradaha kale ee Soomaalida in ay ku Qaabilayaan shaqaalaha safaarada, Qunsulka safaarada iyo Xoghayaha safaarada, taasi oo kuu Muujinaysa in safiirka ay ka Go’antahay in uu wax la Qaybsado Somalida halkaas dagan.

Kala soco Bogan Qeybta kale ee Warbixinta

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Face-book-cabdixakiin44@hotmail.com

Tel+254-711830393


Tags: , , ,

Leave a Reply

*