|

Diyaad Cabdi Kaliil “ shabaab iyo anaga iskuma haysanayno Gedo maalmaha soo socda..

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa mar kale waxay hanjabaad hawada u mariyeen Maleeshiyaadka shabaab ee ka dagaalama qeybo ka mid ah Gobolkaas.

Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha gobolka Gedo ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay ay wadaan qorshe ay shabaab uga saarayaan Gobolkaas maalmaha soo socda.

“ Waxaan wadnaa Qorshe aan uga saarayno Gobolka shabaab maalmaha soo socda war ayaad maqli doontaan, al-qaacida Soomaaliya ma joogi doonaan iyo Gobolkaba”ayuu yiri kaliil.

Diyaad Cabadi Kaliil waxa uu xusay in Al Shabaab ay tabardareyeen in ka dhimana lagu dari doono islamarkaana aan la ogolaan doonin in ay ku sii sugnaadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*