Dadka Reer Hiiraan oo xalay u dabaal dagay sanad kadib markii shabaab laga fara Maroojiyay Gobolkaas..
Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacday xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna ka soo Qeybgaleen dad weyne maamulka Gobolka iyo saraakiil ka socoto amisom.
Munasabadan ayaa ahayd mid loogu dabaal dagaayay sanadka kadib markii shabaab laga saaray Gobolkaas iyo sanadka cusub.
Sidoo kale waxaa goobta kahadlay ururada haweenka dhalinyarada odayaasha waxaan si isku mid ah utageeren maamulka gobolka oo ay shegeen in wax badan uu ka badalay xaladaha kaladuwan ee gobolka hiiraan
Ugu danbeytii waxaa halkaas kahadlay gudomiyaha gobolka hiiran cabdi fitaax xasan afrax waxaana uu ku dheeradaday kashekeyntii halgankii dheeraa iyo jabhadeyntii ay ku jireen mudo ku dhaw afar sano.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
