|

Qaraxyo xalay lagu weeraray fariisomo ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan..

Qaraxyo waawayn ayaa xalay fiidkii Ruxay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan waxaana ka soo baxaya Qaraxyadaas warar kala Duwan.

Qaraxyadan oo ahaa Nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray fariisimo ciidamada Dowlada ku leeyihiin halkaas, waxaana ka dhashay qasaarooyin kala duwan.

Qaraxii ugu horeeyay oo ahaa laba ayaa lagu tuuray  Ex-shineemo Cabdi waayeel oo ku taala agagaarka Isbitaalka SOS ee degmada Heliwaa, waxaana la sheegay in uu jiro qasaare soo gaaray ciidamada Dowlada ee halkaas joogo.

Bamka 3aad ayaa lagu Weeraray  Fariisin ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin degaanka Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana jira qasaare lamana inta uu la egyahay.

Sidoo kale Qaraxyadan ayaa Yaraaday maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo lagu Weerari jiray fariisimada Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*