|

Xasan shekh “ Hadii maanta ay isi soo dhiibaan Xasan Daahir, Calidheere, shongole haday isi soo dhiibaan looma haysto dadkii ay laayeen..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo la hadlayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan suudaan ayaa halkaas ka sheegay in shabaab ay cafis u fidin doonaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiisha ugu saraysa shabaab hadaya isi soo dhiibaan  in aan loo qabsan doonin dadkii ay laayeen iyo dhibaatadii ay gaysteen hadda iyo wixii ka danbeeya ay Cafis yihiin.

“ waxaan leeyahay saraakiisha iyo dhalinyarada la marin habaabiyay ee shabaab ah waxaan u sheegayaa in la cafiyay oo aan loo haysan dhibaatadii ay gaysteen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hada kusugan dalka Sudan Caasimadiisa Khartuum, isagoona halkaas uga qayb galaya Sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaas uu Xurnimadiisa qaatay.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*