|

Shirkii odayaasha dhaqanka Puntland oo kusoo gabagaboobay Degmada , Warsaxaafadeed..

Ajandayaasha Shirka ayaa waxa uu ahaa Dib u dhiska KaabayaashaDhaqaalaha, Iskuxirnaanshaha Bulshada Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Suldaan C/salaam Suldaan Maxamud oo ahaa Abaabulaha Shirka ahna Madaxa Xarunta Nabadda Geeska Afrika isagoo halkaas  kasoo jeediyey Hadalo qiimo badan oo qeexayay Qiimaha Nabadda iyo Midnimadu leedahay sidoo kale wuxuu ku dheeraaday ujeeddooyinkii Shirka loo qabtay oo ahaa mid ka Madaxbannaan Siyaadda
Kuna ekaa dhaqanka oo kali ah.
Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa Gabagabadii Shirka Kalmaddiisa Kajeediyey,  wuxuu baaq u diray Maamulka iyo Shacabka Galmudug  iyo dhanka Puntlad si la isugu Celiyo dad kasoo kala jeeda maamulaadaasi oo lagu kala heysto magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud ayaa halkaas ka akhriyey WarMurtiyeedkii kasoo baxay Shirka Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland.

UJEEDO:- BAYAANKII AMA BAAQII KASOO BAXAY GABAGABADA SHIRKA

In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta
nabadgalyada gobolka iyo midda guud,

In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda mida guud iyo mida gobolkaba,

In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka
dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah,

Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan
la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii
laga lahaa shirka,

Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha
dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad,

Isiimada Shirkaan ka qeybgalay baaqana soo saaray,

Ugaas Cali Ugaas Maxamed
Islaan Bashiir Islaan Cabdille
Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
Suldaan maxamed Jamac Shire
Islaan Xassan Cigaal
Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
Suldaan Cabdi Bile
Suldaan C/rishiid Muuse Shire

www.nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*