Wadooyinka Magaalada Galkcyo gaar ahaan dhinaca Galmudug Oo ay ka bilowdeen Howlo Dayactir Ah..
Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay sii kordhayeen bur burka wadooyinka ku yaala magaalada Galkacyo intooda badan taasi oo ay sababeen daadad ka dhashay roobab xoogan oo ka da;y Magaalada Galkacyo bartamihii sanadkii tagay ee 2012 ayaa waxaa maanta qeybo ka mid ah Magaalada Galkacyo ka bilowday dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeynayo wadooyinka Burbursan.
Dayactirkaan wadooyinka oo ah Maanta mid ka bilowday qaar ka mida kuwa ku yaala dhanka Koofureed ee Magaalada Galkacyo ee uu ka arimiyo Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxa ay yihiin mid ay isku xilqaameen qaar ka mida Ganacsatada ku nool Koofurta Galkacyo kuwaasi oo uu huray maalkooda in ay wax ka qabtaan burburka xoogan ee Ka taagan inta badan jidadka ku yaala dhinaca koofureed ee Magaalada Galkacyo.
Howshaan dib u dayactirkaa ee ay bilaabeen qaar ka mida Ganacsatada Galkacyo ayaa ah mid La oran karo waa tusaale fiican oo ku aadan in qofkasta uu isku xilqaamo sidii uu uga qeyb Qaadan lahaa howlahaan dib loogu soo celinayo bilicdii Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Ganacsatada Iyo Gaadiidleeyda Magaalada Galkacyo ayaa iyagu horay uga qeyb qaatay dhismaha iyo dib usoo celintii bilicda wadada Bile Rafle oo ka mida kuwa ugu waaweyn wadooyinka ku yaala Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug waxqabadkaasi oo Noqday mid wax weyn ka badalay bilicdii wadaasi ay laheyd dhowr bilood ka hor.
C/risaaq Maxamed Axmed
