|

Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaa u muuqda in qilaaf isjiid jiid ah uu ku dhexmaray garoonka tababara isaga iyo tababare Roberto Mancini…

Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaa u muuqda in qilaaf isjiid jiid ah uu ku dhexmaray garoonka tababara isaga iyo tababare Roberto Mancini.

Labada nin ee u dhashay Italy waxaa dhexmaray isku dhac weyn oo keenay isjiid jiid badan.

Balotelli ayaa la rumeysan yahay inuu ka careysiiyay Mancini markii uu qalad xun ku galay saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Scott Sinclair xilli ay tababar ku qaadanayeen garoonka tababarka kooxda ee Carrington.

Sawirka sare oo ay qaaday wakaalad dhanka sawirada ah ayaa la sheegay in la qaaday saaka iyadoo labada nin ay kala qabteen shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda.

Manchester City ayaa diiday inay wax hadal ah ka yiraahdaan arintaan ugu danbeysay.

Weeraryahan Mario Balotelli oo 22 jir ah ayaa waxyaabo badan oo muran dhaliyay sameeyay tan iyo intii uu Manchester City kaga soo biiray Inter Milan.

Sawirada la qaaday ayaa muujinaya Mancini oo ku qeylinaya Balotelli ka dib markii uu qaladka galay isagoo ka jiid jiidaya funaanada tababarka, halka sawir kale uu muujinayo Balotelli oo uu celinayo qof ka mid ah shaqaalaha kooxda.

Ka dib isku dhaca oo ahaa mid aad u sareeyay Mario Balotelli ayaa isaga tagay garoonka Tababarka.

Waxaa Qoray Saed Mohamed Balaleti

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*