|

Ninka ku caanbaxay Islaam naceybka oo Australia booqnaya kadib markii mudda dheer ogaalnsho uu sugayay (maxuu halkaas u tagayaa?)

Hogaamiyaha Xisbiga PVV  ee Wadanka Holland Geert Wilders  ayaa bisha so socota boqasho ku tagi doona wadanka Australia kadib sanadkii hore oo uu tagi waayay wadankaas, sababo la xiriira galitanka wadankaas oo ku adkaaday.

Geert Wilders oo  ku caanbaxay islaam naceybka ayaa wadamo badan waxay u arkaan inuu dhib ku yahay imaanshaha wadankooda madaamo uu yahay nin aad u neceb islaamka abuuri karana fikrado xagjirnimo ah.

Hogaamiyaha PVV Geert Wilders ayaa qubad ka jeedin doona wadanka Australia waxuuna ka hadli doonaa sida ay islaamka xoriyad ugu haystaan wadamada Reer Galbeedka Gaar ahaan Yurup,tasoo uu aad uga  xunyahay kana soo horjeedo.

Geert Wilders ayaa hada ka hor laga Soo celiyay Airporka Magalada London ee wadanka Ingiriiska waxaana loo diiday inuu galo wadankaas,in kastoo bilooyin kadib uu halkaas tagay kadib looyer uu qabsaday,waxaana ninkaan dhib ku ah safarada  wadamada Qaar.

Xigasho

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*