|

Maxamed faarax “ Hadaanahay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga, waxaan oran karnaa Safaarada Somaliya ee Turkiga wax badan ayay qabatay, Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, sawiro..

Xili lagu wado shaqaalaha safaaradaha Soomaalida ee ku yaala caalamka  in ay yimaadaan Muqdisho ilaa  15-bishan halkaas oo lagu wado in Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya kulan kula yeelato, ayaa waxay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga sheegeen in safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ay wax badan ku soo kordhisay bilihii koobnaa oo ay howsha waday.

Kulanka lagu wado in uu Muqdisho ka dhaco maalmaha soo socda oo ay Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya kula kulmi doonto shaqaalaha safaaradaha caalamka u jooga, ayaa la sheegay in meesha Wasaarada arimaha dibada ay ka saari doonto safaarado badan kuwaas oo aan waxba ku soo kordhin hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya iyo Dalalka ay Wakiilka uga  yihiin Soomaaliya.

Ilo Xog ogaal ah ayaa Bogan u sheegay in safaaradaha Turkiga, Kenya, Kuwait, Liibiya, Ugandha,  UAE,Talyaaniga, Belgium,  sacuudiga, Qadar, Suudan, K/afrika, Masar, Chaina, iyo kuwa kale la dayn doono, waxaana lagu wadaa in safaarado badan ay Wasaarada arimaha dibada albaabada u laabto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku amartay shaqaalaha safaaradaha Soomaaliya in ay  soo gudbiyaan CV-gooda iyo aqoonta ay leeyihiin, waxaana dib u habayn iyo isku dhaf lagu samayn doonaan maalmaha soo socda safaaradaha Caalamka shaqaalaha ka jooga ee Soomaaliya.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Turkiga  ayaa Bogan u sheegay in wax badan ay heleen Xiligan maadaama safaarada Soomaaliya ay tahay halbowlaha Soomaalida ku Nool Turkiga haday ahaan lahayd mid u jooga waxbarasho, Caafimaad Ganacsi iyo arimo kale.

Waxa uu sheegay mid ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaal dalkaas oo ka mid ahaa ardaydii dabayaaqadii sanadkii tagay gaaray Turkiga, ayaa sheegay in ay wax badan iska bedeleen dhibaatadii ku heysatey Soomalida Turkiga ka hor intii aan is bedel lagu sameyn Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Maxamed faarax oo ka mid ah Jaaliyada soomaaliyeed ee ku Nool Turkiga kana mid ah ardaydii dhawaan laga qaaday Muqdisho ayaa Bogan uga Waramay xaalada wax qabad ee safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

“ waxaan Oran karaa Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay  Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxbadan ayay qabatay waxaana Oran karaa waxay ahayd safaarad Howlkar muujisay iyo shaqo dheeri ah Sanadkii la soo dhaafay ee 2012-kii”ayuu yiri Maxamed faarax oo ka mid ah Ardayda wax ka barato jaamacadaha Turkiga.

“ Markaan ka soo dagaynay Garoonka waxaa na soo dhaweeyay safaarada gaar ahaan safiirka iyo shaqaalaha safaarada, Xili kastana safaarada way na soo kormeertaa, waxaana Oran karaa safiirka Soomaaliya iyo Turkiga, Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxaan la Kulnaa Xili kasta oo aan u baahano”ayuu markale yiri Ardaygaas oo ka Hadlay ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaal dalkaas.

“ waxaan leenahaya Hogaan hadaanahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga, marka  Safiirka iyo Community aan leenahay mar walba way wada Xiriiraan ,dadka Turkiga ah ee aan la nool nahay si gaar ah ayay noo xushmeeyaan, Taasina waa dadaal safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ay gaartay ama ay samaysay”ayuuu markale Yiri  Maxamed faarax oo ka mid ah Ardayda wax ka barato jaamacadaha Turkiga.

Sidoo kale Soomaalida dagan Turkig ayaa sheegtay in howlaha safaarada Soomaaliya ay tahay mid mudan in la sheego, waxaana marag ma doonto ah in Howlaha shaqaalaha safaarada Soomaaliya gaar ahaan safiirka Soomaaliya ee Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan in ay tahay mid marag ma doonto ah in la Tilmaamo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya Xili safaaradaha Caalamka looga yeeray Magaalada Muqdisho, taasi oo la rabo in ay Wasaarada arimaha Dibada Soomaaliya kala saarto safaaradaha Soomaaliya ee dhaliisha leh, kuwaas oo dhalinyarada Soomaaliyeed ku Xiranyihiin qaarkood dalalkaas.

Isku soo Duuboo safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa Xiligan u muuqata mid ugu dhaq dhaqaaqa badan safaaradaha Soomaalida ee ku yaal caalamka, waxaana safaarada ay wadaa Howlo Dibulaamiyadeed, waxaana Madaxda Turkiga ay yihiin Xiligan kuwa indhahooda u soo jeedaan dadka Soomaaliyeed, taasi oo la dhihi karo mishinka isku Xiraya  arintaas waa safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo uu Safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo ah shaqsi in badan wax ku soo kordhiyay xaalada safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Cabdixakiin441@gmail.com

Tel+254-711830393


Tags: , , ,

Leave a Reply

*