|

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacada magaalada Boston ka baran Doono aqoonta maadiga kuna diyaarin doono, Master-ta iyo PHD .

Wararka ka imaanaya dalka ugandha ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhoogay madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu gaaray xalay waqti danbe Dalka Maraykanka.

Wararka ayaa sheegaya in sheikh shariif uu Jaamacad ku taal dalka Maraykanka ka baran doono aqoonta maadiga, maadaama uu aqoon fiican u leeyahay aqoonta Diinta.

Shariifka aya lagu wadaa in mudo 3 sano ah uu halkaas ka barto aqoonta guud ee Cilmiga uuna halkaas ku diyaariyo Master-ta iyo PHD.

Sheikh axmed ayaa Jaamacada Boston ee Gobolka Massachusetts, waxaa lagu wadaa in uu ku diyaariyo aqoonta maadiga ah maadaama uu aqoon fiican u leeyahay dhinaca diinta.

sidoo kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Uganda ka helay casuumaad rasmi ah, iyadoo deegaan ka siisay magaalada Kampala, kadib markii uu ka guuray magaalada Muqdisho bishii November ee sanadkii hore uu ka guuray magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

Cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*