|

Fowsiya Xaaji Aadan “ waa wax laga xumaado dadkii ku dhintay Howlgalkii ay sameeyeen Ciidamada Komaandooska faransiiska

Wasaarada  Arimaha Dibadda ee Dalka soomaaliya ayaa si kulul uga hadshay howlgal ay iyi  Weerarkii Ciidamada Komaandooska faransiiska ay ka geysteen gudaha dalkeena Soomaaliya habeen hore.

Fowsiya Xaaji Aadan ayaa ku sheegtay Howlgalkaas ay sameeyeen Ciidamada Komaandooska faransiiska in ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan sida ay sheegtay wasiirada.

“ waa wax laga Xumaado dad shacab ah oo aan waxba agalabsan in ay meesha wax ku gaaraan, way jirtaa dhinacyadii dagaalamay in ay qasaare gaartay laakiin shacabka meesha ku dhintay ayaa ka badan”ayay tiri wasiirada Dibada iyo iskaashiga caalamiga.

Sidoo kale Fowsiya Xaaji Aadan ayaa sheegaysa in ay tacsi ugu dambeyntii ay u direyso Dadkii Shacabka ahaa ee Weerarkaasi ku geeriyooday eheladii ay ka geeriyoodeen,.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*