|

Kulan looga hadlayay arrimaha amaanka, nadaafadda, deriseenta iyo canshuurta oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Hodan..

Kulan looga hadlayay arrimaha amaanka,  nadaafadda, deriseenta iyo canshuurta oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay  ka soo qeyb galeen madaxda gobolka Banaadir sida gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,  agaasimaha xiriirka dagmooyinka gobolka, afhayeenka maamulka gobolka qaar ka mid ah guuddomiyeyaasha dagmooyinka gobolka, iyo haween ka kala socday dagmooyinka gobolka Banaadir.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay qaar ka mid ah haweenkii ka qeyb galay waxa ayna sheegeen in haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ay diyaar u yihiin wax qabad dhab ah si dalka looga saaro marxalada uu ku jiro.

Gudoomiyaha  dagmada Hodan  Cabdi Maxamed “Dhabaney” oo marti loo ahaa ayaa hadal uu jeediyay kusharaxay in shacabka reer hodan ay yihiin dad isku xiran, hadaan lahelin iskaashiga bulshadana aan wax hagaagay jirin.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo soo xiray  xafladda  ayaa sheegay in shacabka ay kudhex jiraan dhagar qabeyaal ka tirsan maleeshiyada kooxda shabaab sidaas daraadeed shacabka looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka si loo sugu amnigooda.

Kulankan ayaa ahaa mid uu maamulka gobolka Banaadir ay ugu talagaleen in dagmooyinka gobolka lagarsiiyo shirarka ceynkan oo kale ah si ay wada shaqeyn ay u yeeshaan dhamaan dagmooyinka gobolka Banaadir.

C/qadar Catoosh

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


nuxur nuxur

Leave a Reply

*