|

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in ay Xeebaha Soomaaliya u soo direysa Markab noocyada dagaalka..

Xili kooxihii Burcadbadeedka soomaalida ay sii Yaraanayso ayaa waxay Dowlada Talyaaniga sheegtay in ay u soo dirayso Soomaliya Markab noocyada dagaalka ah.

Sarkaal ka tirsan  wasaarada Difaaca Talyaaniga  ayaa u sheegay Wakaalada AFP in markadkan uu ka qeyb qaadanayo amaanka xeebaha Afrika gaar ahaan kan Soomaaliya.

Markabkan ayaa ku soo wajahan soomaaliya waxaana uu soo gaari doonaa saacadaha soo socda.

Sidoo kale Markabkaan ayaa qayb ka noqon doono Ciidamada gaashaanbuurta NATO ee hada ku sugan biyaha Soomaaliya iyagoo la dagaalamaya kooxaha burcad-badeeda ee awoodooda yaraatay.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*