|

Madaxweynaha Dalka Frence oo ka cabsi qaba in shabaaab ay Weeraro Qarxin ah ka gaystaan dalkaas..

24 saac kadib markii Ciidamada Cirka dalkaas ay Weerar ka gaysteen Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Sh.hoose ayaa waxaa wal wal ka muujiyay in kooxda shabaab ay Aargudasho ka gaystaan Dalkaasi.

Sida uu saxaafada u sheegay Madaxweynaha Dalka Frence ayaa sheegay in ay amaanka caasimadaha dalkaas sida Paris ilaalin doonaan asaga oo sheegay in Heegan la galiyay ciidamada dalkaas.

Francois Hollande ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in ay galaan Ciidamadda amaanka dalkaasi feejignaan aad u xoogan oo ay ku sugayaan amaanka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyanaha in lagu guulaystay Howlgal uu ku macneeyay waajib oo habeen hore ciidamadooda Cumandoska  dalkaas ay ka gaysteen Soomaaliya.

Waxa kale oo uu soo dhaweeyay Howlgalka ay Ciidamada dalkaas ka wadaan  Mali oo ay ku sugan yihiin Kooxo argagaxiso ah isla markaana Xagjirin ah sida uu yiri.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*