|

Shaqaalaha safaaradaha Soomaalida ee caalamka oo imaanayo Muqdisho iyo wafdi ka socda safarada Turkiga oo imaaday maanta..

Waxaa  saacadihii la soo dhaafay ku soo Qulqulayay magaalada Muqdisho, Dibulumaasiyiin ka socda safaaradaha caalamka ee Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay soo gaaray Muqdfisho.

Shaqaalaha safaarada Soomaaliya ee imaanaya Muqdisho ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay kula yeeshaan Wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga.

Wararka ayaa sheegaya in safaaradaha imaanaya Muqdisho dhamaantood ama inta badan ay soo gaareen Muqdisho, waxaana lagu wadaa in safiirada dalalkaas in ay maalmaha soo socda Muqdisho yimadaan.

Waxaa galabta casirliiqii soo gaaray Muqdisho Wafdi uu hogaaminayey xogahayha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga  C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  iyo qaar ka mid ah shaqaalaha safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

Wafdigan oo la socday Shirkadda Turkish Air Ways ayaa waxaa Muqdisho loogu soo dhaweeyay si diiran.

Xogahayaha koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa ka hadlay wax qabadka safaarada  waxa uuna amaan u soo jeediyay dadkii soo dhaweeyay.

Sidoo kale  dadkii halkaas ka hadlay ee iskugu jiray Xildhibaanada iyo dadkii soo dhaweeyay ayaa amaan u soo jeediyay safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay  Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

“ waxaan oran karaa safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan  wax badan ayay qabatay marka waa mudan tahay safaarada Soomaaliya ee Turkiga shaqaalaha ka socdo in si diiran loo soo dhaweeyow Muqdisho”ayuu yiri mid ka mid ah dadkii soo dhaweeyay wafdiga oo saxaafada la hadlayay.

Sidoo kale C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda ayaa tilmaamay in u jeedada ay wafdigan u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay ka jawaabid ay ka jawaabayaan u yeeris ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u yeertay dhammaanba safiirrada,mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibaddiisa.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

Cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*