|

Meertadii 22 ee Horyaalka Ingiriiska Man utd oo Maanta Legday Liverbool ( 2-1)

.

Garoonka Naadiga Man utd waxaa Galabta  ka dhacaay Kulan la wada sugayay kana tirsanaa meertada 22 ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 kaasoo u qorsheysnaa  2 naadi ee xilfaaltanku ka dhaxeeyo Man utd vs Liverbool.

Kooxda martida loo ahaa ayaa si fiican jaanta iskula heshay bilowgiiba waxana kubad uu soo laanjeeyay 3 Evra u badalay gool Weeraryahan Van Peirse Daqiiqadii 19 ee qeybtii hore,Man utd waxa ays ameysay iskud ayo kale intii lagu jiray qeybtaasi walow ay wax ka sii naaso cadaan waayeen waxaan lagu kala nastay 1-0 qeybtii hore.

isku soo Laabadkii ciyaarta qeybtii Labaad waxaad moodeysya in Liverbool ay bilowday inay kubada la qeybsadaan Kooxda Man utd waxaana ay is galiyaan Xoogaa Awood ah iyagoo dhowr jeer sigay Goolka Man utd.

Daqiiqadii 54 Bulisiyoon uu soo laaday Van Persie Xidiga maalmahaan ay Man utd ku Tiirsan tahay waxa  madaxa sii raaciyay 3 Evra ,iyadoo markaasi sii taabatay 15  Vidic kaasoo isna shabaqa ku nasiyay Ciyaartana ka dhigay 2-0.
Liverbool oo aad u moodo in lagu kacay ayaa bilowday weerar joogto ah waxaana laad kulul oo uu laaday gerard uuna qaban waayay Goolhayaha Man utd sii raaciyya 15 Sturidge oo Liverbool uga yimid Kooxda Chelsea dhawaan kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Mamn utd oo ka caraeysay in la barbareeyo ayaa soo xoojisay qadka difaaca waxana Ciyaartii ay ku soo gaba gabowday Man utd oo 2-1 ku sagootisay Liverbool sidaana ku sii xajisatay Hogaanka Horyaalka ingiriiska 2012-2013 oo ay ku horkaceyso 55 dhibcood.
Kooxda ku soo xigta ee Man city oo iyaduna goor dhow la balansan arsenal ayaa hadii ay badiso Ciyaarteeda waxa ay yeelan doontaa 48 dhibcood Laakiin hadii laga badiyo Man city waxa ay markaasi noqoneysaa in Saxansaxada Horyaalka ingiriiska ay u soo carafto Man utd snadkaana ay gacanta ku dhigaan.

Waxaa diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*