|

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan “ Uma dul qaadanayno dhaqan Xumada iyo qaawanaanta ay Noo keeneen dadka ka yimid Yurub iyo Maraykanka, waxaanahay islaam, Xeebta Liido Dumarka iskuma qaawin karaan..

Xili maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeebta Liido lagu arkayay dad ka yimid Yurub Maraykanka iyo Canada kuwaas oo ka furtay Hotel waawayn una Dalxiis Taga halkaas.

Waxaa lagu arkayay maalmihii la soo dhaafay dumar Soomaaliyeed oo laga sii daayay Taleefishinada oo oranaya madaxa ayaga oo u qaawan oo leh. Sidaan ayaan gaarnay, taasi oo ah wax diinta islaamka ka dheer.

“ dadka jirkooda baneynaya oo ku faanaya waxaan leeyahay laguma arki karo gaar ahaan  Qurba Joogta Dalka Dib ugu soonoqonaya ayaa sidaas yeela waxayna inta badan imaadaan Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho”ayuu si kulul u yiri Tarsan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxuu Maanta Sheegay in aan loo dulqaadan doonin Dadka Anshax xumada iyo wax yaabaha aan Dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamkaba aan Munaasib-ka ku aheeyn lataga xeebaha Magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*