|

Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Dowlada Faransiisku ugana tacsiyaysay Askartii Weerarka Habeen hore kaga Geeriyootay..

Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo iskaashiga Caalamiga ayaa waxay tacsi u Dirtay Dowladda Faransiisku, ayada oo  uga tacsiyaysay Askartii habeen hoore kaga Geeriyootay Weerarkii Buulo Mareer.

Fowsiya Xaaji Aadan ayaa ku tilmaantay Weerarkaas mid ay Ciidamada Faransiisku ku Guuleesteen Waxayna Tacsi u Dirtay Dowlada dalkaas.

Tacsidan ayaa ku soo aadysa Xili wasaarada arimaha dibada  dalkaas ay shalay shaacisay in Howlgalkaas ay ku waysay habeen ka hore Denis Allex oo Gacanta Shabaab kujira  iyo askari ka tirsan Ciidamada dalkaas oo ku Geeriyooday Howlgalkii habeen hore.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*