|

Musharax Cumar Yusuf Cabdi Oo Utaagan Jagada Dowlada Hoose ee Xaafada Islii Iyo Taageero Balaaran Oo Loo Sameeyay…

Xilli guud ahaan dadka reer Kenya ay diyaar garow buuxa ugu jiraan qabsoomidda doorashooyinka madaxtinimada bisha Maarso ee nagu soo aadan ayaa hadana waxaa si isdaba joog ah usoobadanayaa siyaasiyiinta asal ahaan Soomaalida ah ee u  haminaya in dowlada cusub ee Kenya ay ka qabtaan jagooyin kala duwan.

Xaafadda Islii ee degamada kamakunji ayaa lagu qabtay munaasabad balaaran  uu soo abaabulay Xoghayaha gudiga ganactada xaafada islii Maxamed Maxauud Guutaale taas oo lagu taageerayay musharax da,dayar Cumar Yusuf cabdi.

Cumar Yusuf Cabdi waa aqoonyahan da’yar hadana shaaciyay in uu usharaxanyahay jagagada dowlada hoose ee degaanka waqooyi ee xaafada Islii,degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi.

Musharax Yusuf ayaa ugu baaqay Somalida ku dhaqan Islii in ay siiyaan codkooda marka lagaaro xilliga doorashada dowladaha hoose ee xaaafada Islii isagoona sheegay in uu yahay shaqsi si weyn ugaranaya nolosha guud ee degaanka iyo waxyaabaha ay bulshada ubaahantahay in laga caawiyo.

Cumar Yusuf Cabdi Musharaxa dowlada hoose ee Kaamakunji ayaa sidookale sheegay in waqti dheer uu soo horay marxalada uu hada joogo uuna kadoonayo Somalida ku nool Islii ay lagarab istaagaan taageero dhan waliba si uu ugu guuleysto musharaxnimadiisa dowlada hoose.

Musharaxa ayaa uballan qaaday shacabka reer Kaamakunji gaar ahaan kuwa ku nool Islii in wax badan ka qaban doono dib udhiska wadooyinka sida aadka ah uburbursan ee xaafada si Islii ay ugu mid noqoto xaafadaha ugu qurxan Magalada Nairobi.

Xoghayaha ganacstada xaafada Islii Mudane Maxamed Maxamuud Guutaale oo si weyn ugu dhex muuqaday munaasabada lagu taageerayay musharax Cumar Yusuf Cabdi ayaa isana waxaa uu ku amaanay Cumar in uu yahay shaqsi wax badan ka qaban kara dhibaatooyinka baahsan ee ka taagan xaafada Islii taasina ay tahay waxa lagu doorankaro shaqsi kasta oo raba in uu hogaamiyo bulsho dhibaato qabta.

Guutaale oo hadalkiisa siiwata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Cumar Yusuf uu si fudud ugu guuleysan karo jagada uu utartamayo oo ah dowlaha hoose ee xaafada Islii.

Somalida ku dhaqan Kenya ayaa si weyn usoo dhaweeyay sii badashada Musharaxiinta Somaliyeed ee u hanqal taagaya in ay jagooyin kala duwan ka qabtaan dowlada cusub ee lafilayo in dhawaan Kenya ay yeelato.

Yusuf Nuur Maxamed.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*