|

Wasiirada Hormarinta Bulshada Drs Maryan Qaasim oo Ciidamada amisom maanta u Diideen Garoonka Muqdisho, maxaa dhacay

Wasiirad katirsan Xukumada Somalia oo Maanta lagu Qa qashaaday Garoonka Aadan Cadde

Waxaa Maanta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu qashqashaaday Wasiirada Hormarinta Bulshada Drs Maryan Qaasim xili ay ku jirtay Xubno katirsan Golaha Wasiirada oo sagootinayay Madaxweynaha Somalia oo Garoonka ka duulayay.

Goob joogayaal ayaa Bogan u sheegay in Wasiirada oo xiligaasi wadatay Xijaab aad u weyn taa oo keentay in ay qa qashaadaan Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo u diiday in garoonka ay gasho iyaga oo ka biyo diidanaa Dharka ay xiligaasi wadatay.

Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Ilaalada Garoonka ayaa markii dambe ku guuleestay in Arintaasi la xaliyo Ciidamada AMISOM-na u ogolaadaan Wasiiradan Xijaabneed in ay gudaha u gasho Garoonka ayna wax ka sagootiso Madaxweynaha Somalia.

Arintan wali wax war ah kama aysan Soo saarin Madaxda Dowlada Somalia iyo Taliska Ciidamada AMISOM ee kusugan Magaalada Muqdisho kuwaa oo Dalka u jooga ilaalinta Dowlada Somalia.

Xigasho

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*