|

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi “ Ciidamada Somaliya hada kadib waxaa lagu Tababarayaa Gudaha Soomaaliya ma jirto dal loo qaadayo..

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Kenya uu kula kulma dhigiis dalkaasi si ay kaga wada hadlaan xaalada Soomaaliya iminka ay ku sugan tahay iyo kaalinta kaga aadan Kenya dib u soo celinta  kala danbeynta Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka gaashaandhiga xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya loo baahan yahay inay ka qeyb qaataan tababarida ciidanka xooga dalka Soomaaliya kuna tababarto gudaha dalka Soomaaliya.

Waxuu sheegay in Kenya ay ka mid tahay ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya islamarkaana dowlada ka caawinaya la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka soo noqday dalka Uganda halkaasina uu kula soo kulmay mas’uuliyiinta dowlada Uganda.

Cabdixakiin Cilmi  Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*