|

Kooxaha isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ayaa guulo muhiim ah ka gaaray Kooxaha Liverpool iyo Arsenal..

Kooxaha isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ayaa guulo muhiim ah ka gaaray Kooxaha Liverpool iyo Arsenal, ciyaaro xiiso lahaa oo la ciyaaray maanta oo Axad ah.

Ciyaarayahan oo si gaar ah isha loogu hayay ayaa ciyaartii horeysay ee Manchester United oo gurigeeda ku ciyaareysay iyo Liverpool ay ku soo dhamaatay labo gool iyo gool.

Gool magafaha Man United Van Persie ayaa goolka hore u dhaliyay, kaasoo ahaa goolkiisa 17aad ee uu ku hogaaminayo gool dhalinta Horyaalka Ingiriiska, waxaana goolka labaad u dhaliyay ciyaaryahan Vidic oo isaga dhacday kubad uu madaxeeyay Evra.

Manchester United ayaa guushaas u suura gelisay inay hogaankeeda ku sii adkeysato, iyadoo leh 55-dhibcood, waxaana ay ka sareysa kooxda ku soo xigta ee ay isku magaalada yihiin ka sareysa 7-dhibcood.

Ciyaarta labaad ee sida aadka loo sugayay ayaa aheyd mida ka dhacday Garoonka Emirates ee Kooxda Arsenal ku marti gelisay Manchester City, inkastoo Arsenal rajo badan ka qabtay inay garoonkeeda ka keento 3-dhibcood, hadana waxaa afka loo geliyay labo gool oo qeybtii hore ciyaarta dhashay.

Labada kooxood ayaa ku ciyaarayay min 10-ciyaaryahan, markii qeybta labaad ee ciyaarta daqiiqadii 74aad laga saaray Man City Kabtankooda Vincent Kompany oo qalad ku galay Laacibka Arsenal Wilshere, balse kaarkaas ayaa u muuqday mid Garsooruhu ku deg degay, maadaama ugu yaraan uu lahaa Kompany digniin.

Man City ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 21aad, markii kubad qalad aheyd oo loo dhigay City ay ku baasteen si dhaqso ah, iyadoo aanay diyaar garoobin ciyaartoyda Arsenal, waxaana uu ahaa kubad lagu kediyay, si deg deg ahna uu gool ugu sarifay James Milner.

11-daqiiqo kadib waxaa hogaanka u dhiibay Manchester City ciyaaryahan Dzeko oo ka faa’ideystay kubad uu soo tufay Goolhayaha Arsenal, oo bad baadiyay kubad uu taabtay Tevez.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxba la iska dhalin, inkastoo Arsenal ay sameysay dadaal badan, hase yeeshee kuma aysan guuleysan inay shabaqa soo taabteen, waxaana ay ugu dhawaadeen shabaqa mar Ciyaaryahan Walcott uu kubad daba mariyay Goolhaye Hart, kaasoo uu goosha iyadoo geli rabta ka soo celiyay Lescott oo bedel ku soo galay.

Manchester City ayaa ku filnaantay guusheeda in aanay waxba iska bedelin dhibcihii lagu kala hogaaminayay Horyaalka, maadaama Manchester United ciyaartii galabta ay hogaankeeda ku adkeysatay markii 2-gool iyo 1-gool uga badisay Liverpool.

Labada kooxood ee isku magaalada ayaa ugu sareeya Horyaalka, waxaana Mancshester United ay ku hogaamineysaa horyaalka 7-dhibcood, iyadoo leh 55-dhibcood, halka Kooxda Man City ay leedahay 48-dhibcood.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*