|

Madaxweynaha Mareynkanka oo sheegay in ay ka qeyb qaateen Howlgalkii Denis Allex oo Faransiiska u dhishay…

72 saac kadib markii Ciidamada Faransiiska ay ku qaadeen Deegaanka Buulo Mareer dagal ay isku dayayeen in ay ku soo furtaan la haystihiin dalkaas u dhashay ee Denis Allex oo shabaab haysteen 3 sano ayaa waxaa arintaas ka hadlay Madaxweynaha Maraykanka Obama.

Madaxweynaha Mareynkanka oo xafiiskiisa War qoraal ah ka soo saaray ayaa sheegay in Ciidamada Bada iyo Cirka ee Maraykanka ay si toos ah qeyb kaga ahaa dagaalkii Faransiiska uu soomaaliya ku soo qaaday,isagoona cadeeyay in diyaaradaha Mareynkanka hawada sare ee soomaaliya saacado ay ku sugnaayeen.

“Diyaaradaha dagaalka Mareynkanka ayaa si aan shaacsaneyn ku galay hawada Soomaliya si ay u taageeraan howlglka fashilmay,  diyaaradaheena  wax hub ah ay rideen ma jirin inta howlgalka uu socday”Obama ayaa sidaa sheegay.

Sidoo Kale obaama ayaa hoosta ka xariiqay in kaliya ciidamadiisa ay Faransiika ka caawiyeen dhanka farsamada ee lagu weeraray xarunta Al-shabaab maalintii jimcada ahayd.

Madaxweynaha Mareynkanka oo warqadka ka soo baxday Congreeska Mareynkanka ku sheegay in dagaalka soomaaliya lagu soo qaaday ka qeyb qaatay ayaa baarlamaanka dalkaasi  ugu baaqay inay meel mariyaan codsi waliba oo ku aadan in la taageero dowladaha la dagaalamaya Al-Qaa’ida.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*