|

C/xakiin Xaaji Fiqi “Dowladda Somalia laguma soo wargelin Howgalka ay ciidamada kumaandoska Faransiiska ka fuliyeen Buulo-mareer.

.

Wasiirka difaaca dowlada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqqi ayaa sheegay in Howlgalkii ay Ciidamada faransiiska ka fuliyeen  habeeno ka hor degaanka Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose aan lagu soo wargalin Dowlada Soomaaliya iyo wasaarada difaaca Soomaaliya.

Fiqi oo ku sugan haatan Dalka Kenya ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay arintaas waxa uuna tacsi u Diray shacabkii halkaas ay Ciidamada faranssa ku dilee, ayaga oo isku dayaya in ay ku soo furtaan muwaadin uga afduubnaa Somalia muddo sanado ah oo ay gacanta ku hayeen shabaab.

Wasiirku  waxa uu ku Nuux nuuxsaday in haddii dowladda lagu soo wargelin lahaa howlgalkaas uu xaalku ka duwanaan lahaa sida ay hadda wax u dhaceen.

“ dagaalka dhulka ayaan ka qaadi lahayn Ciidamada kumaandoska Faransiiska way u fududaan lahayd arintaas”ayuu yiri wasiirka difaaca Fiqi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codasaday dowlada taageera dowlada Somalia iney soo wargeliyaan wasaarada difaaca iyo heyadaha kale ee ay quseyso marka ay howlgalo noocan ah oo kale ka fulinayaan Somalia gudaheeda si markaas ay talooyin uga siiyaan qaabka howlgalkaas loo fulinayo.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*