|

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo cod dheert ku sheegay in Gobolka Sanaag ay isku Urursanayaan shabaab kuna baaqay in lala Dagaalamo..

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sheegay in shababka ka soo baxay Konfurta soomaaliya in ay isku uruursanayaan bariga Gobolka Sanaag.

Waxa uu sheegay Duur in shabaab ay rabaan in ay hada kadib fariisin ka samaystaan inta u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah arintaas looga hor tago oo aan la dhayalsan arintaas.

Wasiir  Duur ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay il gaar ah ku hayaan halkaas, waxa uuna sheegay in ay talaabo ka qaadayaan halkaas.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in aanay suurta gal noqon doonin in Al-Shabaab u soo guurto dhulka Somaliland, isagoo carabka ku dhiftay in Al-Shabaab lagu jebiyay dagaaladii Koofurta Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada geeska Afrika ayaa sheegaya in suura gal tahay in Al-Shabaab isku uruursadaan buuraha Gobolka Sanaag, halkaasoo ah goobo istiraatiiji ah oo leh buuro silsilado ah

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*