|

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Jabuti oo la Wareegay Baar, Luq-jeeloow iyo Buqda ee Duleedka B/weyne..

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne oo dagaal aad u Qaraar saacado ka hor ku dhexmaray Ciidamada shabaab iyo kuwa Jabuuti  ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay la Wareegeen Deegaano hor leh.

Dagaalkan oo ahaa mid qatay waqti ayaa la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in Ciidamada Huwanta ay saakay la Wareegeen Deegaano hor leh.

Deegaanada ay la Wareegeen Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka midyihiin deegaanno dhaca koonfurta gobolka Hiiraan waxaana ka mid ah Baar, Luq-jeeloow iyo Buqda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*