|

Feysal Cali Waraabe “ Siilaanyo waa in uu ka Jawaabaa hadalkii faroole ee ahaa in Soomaaliya uu nagu darayo, arintaana waan ogayn waligeen in Silanyo yahay Somaliweyn..

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe  ayaa si kulul uga hadlay hadal saacado ka hor ka soo Yeeray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan faroole taasi oo ahayd in ay midoobayaan Somaliland iyo Puntland.

Waraabe ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Faroole uu yahay mid jira asaga oo ku sheegay Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo in uu waligiis dooni sjiray Somali Weyn oo dib iskugu laabata.

“ hadalka faroole aniga ma beeneesanayo Maxa ayeelay Siilaanyo Waligiis Somaliweyn ayuu ahaa, marka faroole ayaana hada sheegay, Waxan leeyahay Siilaanyo ka Jawaab hadalkaas in aad soomaaliya noo wado”ayuu si kulul u Yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay feysal in Madaxweyne Siilaanyo uu 2 dii sano ee la soo dhaafay uusan dalka waxba ka qaban, asaga oo ku sheegay in ay muuqato in Soomaaliya ay ka Taliso Hargaysa.

Sidoo kale Feysal ayaa sheegay in Somaliland amaankeeda uu faraha ka baxay taasi oo uu ku macneeyay maamulka Siilaanyo oo la haysta magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*