|

Sida ay ku warantay Shabakada National Geography Channel, mid ka mid ah qabiilooyinka ku dhaqan, koonfurta Amerika, gaar ahaan dalka Brazil..

Sida ay ku warantay Shabakada National Geography Channel, mid ka mid ah qabiilooyinka ku dhaqan, koonfurta Amerika, gaar ahaan dalka Brazil ee dega, kaymaha Amazon-ka ayaa Marka wiilku qaan gaadh noqonayo, shardi adagi kaga xidhan tahay sidii uu ku gaadhi lahaa, taas oo aan ahayn mid ku salaysan Abuurkiisa Rabaaniga ah ee dunida inteeda badani ku cabirto in wiilku qaan gaadh noqday, oo ah inuu baaluqo oo yeesho astaamihii raga.

Hasa yeeshee qabiilkan oo lagu magacaabo (Sater? – Mawei) kana mid ah dadkii asal ahaan loogu tagay koonfurta Amerka gaar ahaan degaanada Kaymaha Amazon-ka, sida wiilkii ku gaadhi karo qaan gaadh, ama inuu nin buuxa noqday waa mid shuruudo adagi ku xidhan yihiin oo aanu dhayal dhayal ku mutaysan karin, in loo aqoonsado inuu qaan gaadh noqday oo uu baaluqay.

Shuruudaha dadkaasi ku xidhaan wiilka qaan gaadhka noqonaya kuma xidhna da?diisa, kumana salaysna inuu yeeshoo astaamihii nin-nimo, laakiin waa mid uu sharci dhaqameed dhigayo oo looga baahan yahay inuu ka gudbo, kaas oo ah imtixaan aad u adag oo uu marayo muddo afar iyo labaatan saacadood ku siman.

Wiilka ayaa inta dharka oo dhan laga saaro, laguna reebo kalsoon qudha, waxa lagu rida god la qoday ama meel uu hoos u galayo, halkaas oo loogu shubo, kun xabadood oo ah, qudhaanjada Loo Yaqaano, qudhaanjada qaniinyada rasaasta leh, taas oo magac bilaash ma baxee qaniinyadeedu halkii xabo u dhiganto sidii oo rasaasi jidhkaaga gashay ama shay la xanuun ah lagugu dhuftay.

Xaflad wayn oo laga buuxo, isla markaana uu ku sugan yahay beel daajaha ama hor joogahaa beeshu, ayaa loo qabtaa wiil kasta oo is xariifiya, oo isaga iyo hooyadii ku doodaan inuu qaan gaadh noqday, halkaas oo inta dabka lagu shito, ka dibna rag belo ku qaba, soo ururinta qudhaanjadan loo diro inay kun midh soo ururiyaan, marka la isku keeno ayaa gudo lagu wada ridaa qudhaanjadii la soo cariyay iyo wiilkii qaan gaadhnimada doonayay.

Dadka xaflada ku sugun ayaa habeenkaas oo dhan isku daawada wiilkaas iyo qudhaanjada oo sida diirta oo kale u saloolata jidhkiisa, halka shardi ee uu ku guulaysan karo wiilkaasi ayaa ah in aanu mar qudha is dhaqaajin isla markaana aan ax u damqasho midna laga maqal.

Waxa suura gal ah in isaga oo miskiinkaasi u adkaystay xanuunka iyo qaniinyada aan rasaasta ka dhicin, uu beel daajaha jeesku u diido inuu siiyo ruqsada qaan gaadhnimada, taas oo ku xidhan calaamado fulaynimo ama muujin kara inuu xanuunku taabtay oo laga arko dareenkiisa.

Haddaba su?aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay, waa maxay sbaabta ay dadkani ciqaabta intaa leeg u marinayaan ninka marka uu qaan gaadhka noqonayo? Sababta sidan loogu ciqaabayo ayaa ah, in dhaqan ahaan ay dadkaasi ku nool yihiin, dhul dhibaatadu la daris tahay ninka, taas oo marka laga yimaado dagaalada qabaaliiyonka ka sakow ay jiraan, bahalo qaniinyadooda aan laga kicin oo u badan xamaaratada gaar ahaan bahalaha hoose, kuwaas oo looga baahan yahay in ninku u adkaysto isla markaana yeesho awood uu ku xamili karo inuu naftiisa badbaadiyo, mar haddii aanay jirin dhakhtaro iyo gurmad deg deg ahi.

Sababta labaadna waa ninka oo marka uu qaan gaadh noqdo ay gabi ahaanba fuulayso, masuuliyada qoyskooda iyo ka uu mustaqbalka samaysan doono, ninku qabiilkan dhexdiisa, waa dhakhtar, waa askari, waa oday, waa ka wax kasta ka masuul ah, xitaa waxa uu masuul ka yahay dawada carruurta iyo haweenka.

Xigasho

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Leave a Reply

*