|

Wadooyinka Suuqa bakaaraha oo dhismooyin ku socda iyo Ganacsatada oo soo dhawaysay arintaas..

Waxaa gaba gaba maraya howlaha dib loogu furayo wadooyinkii waa weynaa ee Suuqa Bakaaraha ee ku xirmay fowdadii  iyo dagaaladi ka socday Muqdisho 4 sano ka hor.

Wadooyinka suuqa ayaa dad xir teen kuwaas oo ay ka samaysteen Goobo Ganacsi, Taasi oo dhibaato ku ah marka uu dab ka kaco suuqa oo aan la gali Karin gaar ahaan aysan jirin Meelo ay ka galaan baabuurta Dam damiska ah.

Wararka ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay Gudaha Suuqa bakaaraha baabuurta cagaf cagafyada ah kuwaas oo dhulka dhigaya goobaha sharci darada ah ee wadooyinka hareeraheeda laga dhisay.

Ganacsatada ayaa arintaan soo dhawaysay 20- sano kadib waxayna sheegeen in dhibaato ay ku qabeen arintaan oo marka uu dab ka kaco Suuqa bakaaraha la wayn jiray goobo laga galo si dabka loo Damiyo.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*