|

Rabshado la isku gabal dhacsaday oo wali Ciidamada Ammaanka Iyo Mudaharaadayaal Ku Dhex Maraya Albaabka Qasriga Madaxweyne Murzi ee dalka Masar..

Rabshado la isku gabal dhacsaday oo wali Ciidamada Ammaanka Iyo Mudaharaadayaal Ku Dhex Maraya Albaabka Qasriga Madaxweyne Murzi Iyo dibad Baxayaasha oo Burburiyay Qaybo ka mid ah xayn daabka Qasriga

Rabshado Gacan ka hadal wata oo si wayn u abaabulan ayaa maanta jimcihii ka dilaacay barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada Masar, kaas oo ku yaala Xaafada Masar Jadiid.

Dadka Mudaharaadayay oo sida ay ku doodayaan diidanaa siyaasada maamulka Madaxweyne Murzi ayaa ciidamada Ammaanka ku tuurayay, dhagxaan iyo quruurado badrool uga buuxo oo dab dhalinayay, halka ciidamada ammaankuna ay kaga jawaabeen, dhuumaha biyaha tuura iyo rasaas ay hawada u ridayeen.

Mudaharaadayaasha ayaa mararka qaarkood aad ugu dhawaanayay qasriga, waxaanay kolka dhuumaha biyuhu yaraadaan ay holac kaga kicinayeen albaabka iyo ag agaarkiisa ilaa ay ku dhawaadeen inay gabi ahaanba gubaan albaabka afraad ee qasriga.

Dibad baxayaasha oo ay ciidamada ammaanka isla gabal dhacsadeen ayaa ku guulaystay inay burburiyaan mid ka mid ah xayn daabyada albaabada qasriga Madaxtooyada ee dalka Masar, ka hor intaanay ciidamada ammaanku ka xoog roonaan, hasa yeeshee waxa ay ilaa wali ku sugan yihiin qasriga hortiisa.

Faysal Maxamed Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*