|

Ururka Midawga Afrika oo sheegay in shabaab isku Urursanayaan Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Bari digniin ka soo saaray..

Xili Dowladaha Somaliland iyo Puntland aya ka qeylo dhaamiyee Ciidamada shabaab ah oo ka Yimid Konfurta Soomaaliya oo fariisimo ka samaystay halkaas, ayaa waxa Qeylo dhaantaas ku soo Biiray Ururka Midawga Afrika.

Wakiilka Midawga Africa u qaabilsan Soomaaliya danjire Max’ed Saalax Annaadif ayaa  sheegay in shabaab isku Uruursanayaan Bari iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in maamulada ka jira halkaas ay taxadar ka muujiyaan oo ay la dagaalamaan.
sidoo kale Sarkaalkaan u hadlay midawga Afrika ayaa waxa uu sheegay in saraakiil sar sare oo katirsan Al-qaacidada Soomaaliya ay xilligaan ku suganyihiin maamulada Somaliland iyo Puntiland halkaasi oo ay qorsheynayaan in ay kasoo maleegaan falal argagaxiso oo dad badani ku dhamaadaan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*