|

Afhayeenka ciidamada Milateriga Kenya oo sheegay in ay Duqayn ku dileen Saraakiil shabaab ah oo gacan Midig u ahaa Godane..

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay Dileen saraakiil sare oo dhinaca amanka kala Talin jiray Hogaamiyaha shabaab axmed cabdi Godane.

Waxa uu sheegay Afhayeenka ciidamada Milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi shalay galinkii danbe in Duqayn ay ciidamada Cirka Kenya ka gaysteen duleedka degmada Garbahaarey ay ku dileen sarkaal ka tirsan Shabaab.

Col. Oguna shaaca ka qaaday in saraakiishaas uu ka mid ahaa ay Dileen Gudoomiyihii Al-Shabaab ee degmada Buurdhuubo oo magaciisa lagu soo gaabiyay Nuur Dheere, iyo sadax sarkaal oo kale.
Afhayeenka ayaa wacad ku maray in shabaab ay la sii dagaalami Doonaan ayna  Wiiqeen awoodii shabaab.

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ku aadan arintaan oo ka soo baxay shabaab iyo hadalka ka soo Yeeray saraakiisha Kenya.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*