|

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo sheegtay in Dowlada Somaliya Wariyayaasha ula dhaqanto si Arxan daro ah, kana Fog Xuquuqda..

Ku dhawaad 20- cisho kadib Markii ay Dowlada Maraykanka  Aqoonsi buuxda ay siisay Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay saacado ka hor sheegtay afhayeenka wasaareada arimaha Dibada dalkaas, iyo Dowlada Soomaaliya ay kula dhaqanto Wariyayaasha si arxan daro ah.

Afhayeenka aya sheegtay in Dowlada Maraynakna ay aad u dhaliilayso sharci darada lagu Xiray Weriye C/casiis Koronto oo Dowlada Soomaaliya u xiran ku dhawaad 20-cisho xabsigana loo Gudbiyay asaga oo aan maxkamad la saarin.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Maraykanka Victoria Nuland ayaa u sheegtay Dowlada Soomaaliya in ay dhowrto Xuquuqda shacabka soomaaliyeed gaar ahaan Wariyayaasha Soomaaliya oo ay ku sheegtay kuwa wax qabtay.

Sidoo kale hadalkanh ka  soo Yeeray afhayeenka ayaa imaanaya xili saacadaha soo socda maxkamad la soo taagayo wariye Koronto oo shaci daro ku Xirnaa Usbuucyadii la soo dhaafay asaga oo aan la gayn maxkamad la iska xiray.

Eedaynta ka Timid Maraykanka ayaa waxaa bar bar socda qeylo dhan ka soo yeertay Heyadaha xuquuqda aadanaha u doodaa ee Amnesty International iyo human Rigths Watch, oo dowlada ugu baaqay in ay Xoriyadiisa siiso Wariyo Koronto.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*