|

Suldaan Muuse Faarax Muuse Onkod oo maanta dharaar cad lagu Toogtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyo Puntland oo aan ka hadlin arintaas..

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu Dilay Nabadoon can ah oo halkaas laga yaqaan.

Wararka ayaa sheegaya in sadax nin oo ku  Hubeysan Bastoolado ay ku dileen  goor dhawayd Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, Suldaan Muuse Faarax muuse Onkod oo kamid ahaa Isimada ugu caansan Deegaanada Puntland.

Waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Puntland oo yimid markii dilka dhacay kadib oo ay baxsadeen kooxdii dilka gaysatay Waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaan u muuqday mid soo daahay oo aan dhicin Xiligiisa.

Sidoo kale  Boosaaso ayaa bilihii la soo dhaafay ka nasatay Dilalka Qorsheesan ee kooxo aan heebtooda la garan ka geesan jireen Magaaladaasi iyo Qaraxyadii.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*