|

Ciidamada amisom oo Tababar u soo Xiray arday ay barayeen Gaadiidka Dam Damiska ee OTO OTO…

Ciidamada amisom ee jooga Xerada Xalane ayaa tababar u soo xiray arday Baranaysay Gaadiidka Dam damiska ah marka uu dhib dhaco si ay meeshaas u gaaraan.

Tababarkan oo ay bixinayeen Macalimiin ka socday ciidamada howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afirka ee AMISOM ayaa waxaa ka faa’idaysat shaqaale ka Tirsan Dowlada Hoose.

Waxaa halkaas ka hadlay Taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya Andarel Guuti  waxa uuna ugu baaqay dhalinyaradan in ay ka faa’idaystaan casharadii ay qaateen.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur “Tarsan”  oo ku dheeraaday wax qabadka ay hayaan ciidamada amisom.

Tababarkan oo socday muddo Afar Isbuuc ah ayaa waxaa ka faa’iideystay intii uu socday 20 Qof oo loo soo xulay in ay bartaan dab Damiska waxaana tababarka ku soo baxay 16 ka mid ah labaatankii Qof ee la tababarayay.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*