|

War deg deg ah : S/afrika oo laga Reebay Koobka afrika Mali oo soo baxday goor dhawayd..

Waxaa goor dhawayd lagu soo gaba gabeeyay dalka K/afrika Wareega 8 aad ee Cayaaraha koobka Qaarada afrika oo ka socday maalmihii la soo dhaafay Dalka K/afrika.

Cayaartan oo ay wada Cayaarayeen Dalka Martida loo yahay ee K/afrika iyo Mali ayaa Waqtigii loogu tala galay ku soo idlaatay 1-1 waxaana lagu daray 30-Daqiiqo.

Markii ay dhamaatay 30-Daqiiqo ayaa waxaa la iskugu soo haray 1-1 waxaana ugu danbayntii ay ahayd labadaan Koox in ay Koox ka soo baxdo.

Waxaa Xulka K/afrika u dhaliyay cayaarta marka ay socotay 31 Daqiiqo Tokelo Rantie, waxaana la bareejeeyay Xulkka Qaranka Mali oo dhaliyay 1-gool daqiiqadii 58- waxaana u dhaliyay Seydou Keita.

Waxaa ugu danbayntii Kooxda Mali ay ku Guulaysteen Rigooro oo ay ku dhaliyeen ama ay ugu gudbeen Wareega Samafiinaalka waxayna dhalisay 3 Gool.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*