|

Bare Hiiraale “ Kismaayo Cid ka leh Mareexaan ma jirto axmed Madoobe waxa uu ka midyahay Qabiilada dagan halkaas..

Bare aadan shire Hiiraale oo ahaa Hogaamiyihiin isbahaysiga Jubbooyinka Dagaalna kula jiray maamulka shabaab ee ka Talin jiray Kismaayo ayaa kulan ka dhacay Muqdisho ka Qeybgalay.

Kulankan oo ahaa mid ay iskugu yimaadeen wax garadka siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ayaa looga hadlay aayaha Gobolada Jubbooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

Bare ayaa halkaas talo uga soo Jeediyay Beesha Mareexaan asaga oo u sheegay in ay ka fakiraan sidii ay ugu soo laaban lahayd gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

“ waxaan leeyahay Mareexaan hadaad tihiin Kismaayo adinka ayaa iska leh qof sheegan karo ma jirto, marka waxaan Oranayaa waa in aan dib ugu soo Celinaa gacan ku haynta Jubbooyinka Gacanta Beesha Mareexaan”ayuu yiri Hogaamiye Bare Hiiraale.

Sidoo kale waxa uu sheegay bare Hiiraale in Hogaamiyaha jabhada Raaskaanbooni axmed madoobe uu ka mid yahay qabiilada Dagan Kismaayo uusana sheegan Karin Kismaayo.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*