|

Dilal kala Duwan oo xalay ka dhacay Xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo iyo Ciidamada Puntland..

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Xalay halkaas ay ka dhaceen Dilal kala Duwan sidsa ay sheegayaan Wararka saakay halkaas ka imaanaya.

Wararaka ayaa sheegaya in Rag Hubeysan ay xalay Dilal kala duwan ka gaysteen Halkaas kuwaas oo 4 Ruux siyaabo kala duwan ugu dilay Degmooyin ka Tirsan dhinaca Puntland.

Laba qof oo la sheegay in ay ahaayeen Rayid ayaa lagu Dilay Xalay Fiidkii xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaana Dilay Rag ku Hubeysan Pastoolado kuwaas oo goobta ka Baxsaday.

Sidoo kale waxaa la dilay laba qof oo kale oo siyaabo kala duwan loo dilay, waxaana Ciidamada booliska ee maamulka Puntland oo goobta gaaray ayaa baaraya sida ay wax u dhaceen, inkastoo ragga dilka geystay ay baxsadeen.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*