|

Jessica Cox waxay dhalatay iyadoo aan laheyn gacmo, waxay awoodaa iney lugaheeda ku wato Diyaarad, Baabuur..

Jessica Cox waxay dhalatay iyadoo aan laheyn gacmo, waxay awoodaa iney lugaheeda ku wato Diyaarad, Baabuur, waxayna ku garaacdaa lugaheeda piano-nada.

Jessica Cox waxey u safartay dunida dhan iyadoo qudbado u jeedisay dadka caalamka,waxeyna ka hadashay hamigeeda iyo waliba in qof kastaa uu gaari karo waxuu doono dunida haduu dadaalo.

Waxey bishaan booqatay dalka Ethiopia iyadoo caawinaad u fidisay xaquuqda dadka naafada ah, kuna boorisay dadka naafada ah in ay hami u yeeshaan wixii ay jecel yihiin.

Jessica Cox oo ku nool gobolka Arizona. waxay sanadkii 2012-kii guursatay Patrick oo ah ciyaaryan hore oo ciyaarta Taekwondo ah, taasoo u sahashay iney jeclaato, ciyaartana Taekwondo.

Ali Muhiaddin

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , ,

Leave a Reply

*