|

Khaliin Mudo 17 Sacadood Qaatay Oo Haweney Lagaga Bixiyay Lix Xubnood Oo Muhiim Ah Jirka.

Qalliin qaatay muddo 17 saacadood ah ayaa haweenay 53 jir ah lagaga beddelay lix xubnood ka mid ah xubnaha jidhkeeda ugu muhiimsan, taasoo noqotay qofkii saddexaad ee dalka Ingiriiska qalliinka noocan ah ka badbaada.

Mrs. Dawn Carter waxa loo geliyey beer cusub, keli, ganac, calool, midhicirka yar iyo qayb ka mid ah midhicirka weyn, waxana qallinkeeda fuliyey afar dhakhtar oo ah kuwa ugu khabiirsan dalka Ingiriiska qalliinnada xubnaha lagu beddelayo. Waxa kaloo joogay laba kalkaaliye caafimaad, laba dhakhtar oo iyaguna qalliinka noocan ah aqoon dheeraada u leh, laba kalkaaliye oo kale iyo qof shaqaale ka ah qolka qallinka haweenaydan lagu sameeyey.

Xannuunka baabiyey xubnaha gabadhan waxa uu asiibay markii da?deedu ahayd 19 jir, toban sanno kadibna waxa lagu sameeyey qalliin lagaga beddelay qaybta la yidhaa Colon oo ah halka ka qaybqaadata dheef-shiidka, gaar ahaan soo noogta biyaha iyo milixda ka hor inta aan cuntada jidhku qashin saarin, balse dhibaatadeedu halkaas kumay joogsan ee cudurkaasi wuxuu sababay inay shaqada joojiyaan kelyaha, midhicirka yar, beerka iyo calooshu.

?Wax cabsi ah imay hayn markii qolka qalliinka la i geeyey, waayo waxaan dareemaayey in tani tahay fursaddii ugu dambaysay ee aan helayey. Farahayga iyo suulashaydu way barareen, waxaanay u ekaayeen kuwa doofaarka, cagaha iyo gacmahuna culays bay noqdeen oo waan qaadi kari waayey,? ayey tidhi Mrs. Dawn oo xaaladeeda ka hadlaysay.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags:

nuxur nuxur

Leave a Reply

*