|

Sheikh Bashiir axmed Salaad “ waxaan hada kadib Hubka u qaadan Doonaa sidii shabaab aan ula dagaalami lahayn..

Sheikh Bashiir axmed Salaad ayaa si kulul uga hadlay arin uu sheegay shabaab in ay ku baneesteen dhiiga shacabka soomaaliyeed iyo Kan Culumada.

Salad ayaa sheegay in shabaab la iska dhacsho asaga oo ku baaqay in Hubka ay qaataan Culumada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ay Mas’uul ka yihiin shabaab Culumada Soomaaliyeed ee la layn Jiray 3 Sano ee la soo dhaafay waxa uuna sheegay in uu ugu danbeeyay Dilkii Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo uu sheegay in maalmo ka hor ay ku Dileen Garowe.

“ waxaan Oran  lahaa shabaab hala iska dhacsho Hubka hala qaato dadka dhabarka ayay ka toogtaan oo Gadaal ayay dadka ka Dilaan horay ma imaan karaan oo Dagaalka ma yaqaanaan waxayna u shaqeeyaan gaalo”ayuu si kulul u yiri Sheikh Bashiir axmed Salaad.

Sidoo kale hadalkan ayaa ku soo aadaya Xili shalay Shir jaraa’id oo ay ku qabteen culimadan jaamacada Bariga Africa ee magaalada  Garowe ay ku sheegeen in culimadda Soomaaliyeed inay ka xun yihiin dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax, ayna dusha u saareen shabaab ayaga oo ku baaqay in shabaab la iska dhacsho Hubkana la qaato.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*