|

Q1aad Muxuu sharcigu ka qabaa naag saddex dalqadood mar kaliya lagu wada furay?

Kitaabka guurka ((is furida). Is Furashada haweenka iyagoo Bixinaya Xaq.Q.1aad.

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabrakatuh:

*IbnCabbaas a.k.r. waxaa laga weriyey in naagtii Thaabit bin Qays u timid Nabiga s.c.w. oo tiri:Rasuul Allow Thaabit bin Qays ku dhaliili mahayo diin iyo dabeecad toonna laakiin waxaan kahanayaa inaan anigoo islaam ah dhaqan gaalnimo iga dhaco(yacni inaan ku caasiyo ninkeyga oo sidaas ku dambaabo).

Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu weydiiyey ma u celineysaa beertiisa?waxayna ku jawaabtay”Haa,markaasuu Rasuulkii Alle s.c.w. ku yiri ka guddoon beerta oo ku fur hal dalqad..

Waxa weriyey Al-Bukhari,werina waxay leedahay”wuxuuna amray inuu furo.Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi waxay weriyeen xadiis uu midka dambe (yacni At-Tirmidi) siiyey darajo ah xasan oo leh,Naagtii Thaabit bin Qays waxay ka heshay furrin iyadoo taas ku baddelaneysa bixin xaqsiin(tacwiid). *Weriin Camar bin Shucayb uu aabbihiis ka weriyey awoowgiis oo ku taal Ibn Maaja waxay leedahay:Thaabit bin Qays wuxuu ahaa nin fool xun,naagtiisina waxay tiri haddii aanaan Rabbi ka baqayn markii uu ii so galo waxaan ku candhuufi lahaa wajigiisa.’

(1).Khulac af Carabi ahaan macnahiisu waa inaad dharka iska siibto.Sharci ahaanna waa xaq ay naagi u leedahay inay buriso guurkeeda oo ka madax bannaanato.Waxay haweeni xaq u leedahay inay buriso guurkeeda kadib markii ay celiso meherkii iyo xoolihii la siiyey.Nin wuxuu xaq u leeyahay inuu furrin rido haddii uu u heysto sabab caqli gal ah iyo arrin gar ah.Sidoo kale kaddib celinta meherkii haweeni waxay sameyn kartaa khulc haddii ay u heysato sabab caqli gal ah Culimada qaarkood waxay qabaan in khulucu yahay furriin,qaar kalena inuu yahay burin heshiin guur.

Waxaa jira khilaaf inuu ninka xaq u leeyahay in la siiyo wax dhaafsiisan meherkii uu bixiyey,waxaase abbaar ah in la soo ceshado oo kaliya lacagtii loo siiyey meher ahaanta oo aan ka soo istaagto ninkeeda iyadoo aysan isyeel-yeel iyo xiiso ka aheyn ama aysan dan dhaqmayn,ninka waxaa la farayaa inuu iska furo,isagana loo soo celiyo meherkii,markay wixiisa u soo celiso oo is furato hadduu diido in uu furo waa laga fasakhayaa taas ayaana khulac lagu magacaabaa.

(2)Thaabit bin Qays wuxuu ahaa Ansaari reer Khasraj ah oo saxaabada waaweyn ka mid ah,wuxuu ahaa af hayeenkii Ansaarta iyo Nabiga..Wuxuu ka qayb galay dagaalkii Uxud iyo dagaaladii ka dambeeyey,Nabigu s.c.w. wuxuu ugu bishaareeyey janno wuxuuna ku shahiiday dagaalkii Al-Yamaama sannadkii 124H . Ad-Dalaaq(Furrinka) *Ibn Cumar a.k.r. wuxuu yiri:Raruulki Alle s.c.w.wuxuu yiri”waxa la banneeyey oo Alle uu aad u neceb yahay waa furrinka (xaq darada ah).”waxa wariyey Abuu daawuud iyo ibn Maaja,Al-Xaakim wuxuu siiyey darajo ah saxiix(inuu yahay saliim sugan).

Abuu Xaatim wuxuu rajaxay inuu yahay Mursal. *Ibn Cumar a.k.r.Wuxuu sheegay inuu furay naagtiisa oo caado qabta waqtigii Nabiga s.c.w. saa Cumar baa wax ka weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.arrinkaa wuxuuna ku jawaabay Nabigu s.c.w amar inuu ceshado oo heysto inta ay ka daahiroobeyso,

Dabeeto hesho caado kale,dabeeto ka daahirowdo,haddii uu markaas kaddib doono waa haysan karaa haddii u doonana wuu furi karaa ka hor intuusan la galmoon,waayo waa sidaas Ciddada (tirsiga-muddada la sugi )Alle amray in naagaha lagu furo.(laysku raac). *Werin Muslim ku taalna waxay leedahay waxad amartaa inuu naagtiisa dib usoo ceshado dabadeedna uu furo iyado ka daahir ah caado bileedka(isagoon u galmoon)ama iyadoo uur leh.*Werin kale oo Al-Bukharina waxay leedahay.Waxaa loo xisaabay hal dalqad ahaan(furrinkaa).

(1).Ibn Cumar xaaskiisa magaceeda waxaa la oraan jirey;Aamina bint Qafaar,waxaa kaloo la yiri;waxaa la oran jirey An-Nawaar qawlka ah(hal dalqad baa loo xisaabaya).Werin kale oo Al-Bukharina isla sidoo kale ayay qortey,jamhuurka culimaduna waxay qabaan inuu dhacayo furrinka bidcoda ah,qaar kalena waxay qabaan inuusan dhacayn,waxayna daliilsadaan werin ay Axmed,Abuu Daawuud iyo An-Nasaa’i ka soo weriyeen Ibn Cumar oo leh:Nabiga s.c.w.

Wuxuu u celiyey(xaaskisii)waxnana kama uu so qaadin(furrinkaas).Ibn Xajar wuxuu yiri: sanedkeedu waxay waafaqsan tahay saxiixa shardigiisa.Ibnul Qayyimna wuu ku dheeraaday faalladeeda kitaabkisa Tahdiibu sunan Abii Dawuud isagoo dalliilo badan u keeney inuusan furiinkaasi dhacayn iyo furrin bidco ah dhanba.

(2).Xadiiskani wuxuu caddaynayaa arrimo badan oo ay ka mid yihin. A-In ay reeban tahay in haweenka la furo iyadoo dhiig caado qaba. B-Inuu nini soo ceshaan karo xaaskisa isagoon iyada weydiin idan iyo inay oggoshahay iyo in kale. C-Waa bidco dambi ah in haweenka la furo markay daahir noqdeen iyadoo loo galmooday,sida ayba bidco iyo dambi u tahayba in la furo iyadoo dhiig qabta.Waxaa jira afar nooc oo furriin ah oo labo shareecada waafaqsan tahay labona bidco xun tahay;

Labada shareecda waafaqsani waa in la furo haweenta iyadoo uur leh ama caado ka daahir noqotay islamarkaana aan loo galmoon.labada bidcada ahina waa in la furo iyadoo caado qabta ama iyadoo daahir noqotay oo loo galmooday.Haweeney in saddex dalqadood mar kaliya lagu wada furo iyana waa bidco oo ma aha sharci.

3-Macnihiisu waa furrinka saddexda dalqo ah in laga so qaadi jirey hal dalqad,samanki Nabiga s.c.w. iyo samanki Abi Bakar iyo qaar ka mida waagii Cumar

Muxuu sharcigu ka qabaa naag saddex dalqadood mar kaliya lagu wada furay?

(1).Qawlka koowaad waa in saddex dalqadood oo mar kaliya lagu wada dhawaaqay ayan sharciba aheyn oo aan saddexdaba waxba laga soo qaadeyn.

(2)Qawlka labaad waa in saddexda dalqadood ee mar kaliya lagu wada dhawaaqay ay wada dhacayan haweentuna sidaa ku furan tahay.

(3)Qawlka saddexaad waa in laga soo qaado hal dalqad kaliya.

(4)Qawlka afaraad waa in haddii naagtaa iyadoo loo galmooday la furay saddexda dalqadood wada jir mar kaliya ay dhacayaan saddexduba haddii aan loo galmoonina hal dalqad keliya ay dhaceyso.Hadaladaa kala duwan ee culimada qowlka seddexda baa xoog badan oo culus oo sharci ah.Sidaa awgeed buu Nebigu s.c.w.ma amri laheyn Abuu Rukaana inuu ceshado xaaskiisa.Al Xaafid Ibn Xajarna wuxuu ku qoray kitaabkiisa Fatxiga:

Waxaana ku jiray qoladii tiri furrinkaasi saddexda wuu dhacaya oo ay kala xaaraantinimoobayaan,qaar yiri hadi uu ku furo saddex dalqadood oo wada jira mar kaliya waxaa laga soo qaadayaa dalqad kaliya.Waxaa ka mid ah Muxammed bin Isxaaq isagoo daliilsanaya xadiiska Rukaana,xadiiskaasna waa xujo xagga mas’aladan iyo daliil xoog leh aan aqbalayn ta’wiil iyo fasiiraad kale ee aqbali karaan qeyrki werinada kale.Mad-habkaasina waa sida laga soo wariyey Cali,Ibn Mascuud,Cabdur-Raxmaan Ibn Cowf,iyo Az-Zubeyr,Ibnu Mundima wuxuu ka soo xigtay asxaabtii Ibnu Cabbaas sida Caimna wuxuu yiri waa sidaas sida uu qabay khaliifadii Rasuulka(Abuu Bakar) iyo saxaabadii la jirtey oo lagu camal falayey waqtigiisii iyo saddex sano xilligii Cumar hayey xukunka,

Waxay ku tageen dhamaan mad-habkaas .haddii qof is yiraahdo aan tiriyo magacyada dadki waqtigaa qabay in saddexda dalqadood laga soo qaadayo hal dalqad waxay gaari lahayeen boqol kun iyo wax ka badan oo hubaal ah.Sida uu sheegay Yunnis bin Bakar oo laga weriyey Ibn Isxaaq saxaabi kasta laga soo bilaabo waagi Nebiga s.c.w. intii uu talada hayey Abuu Bakar ilaa sadexdii sano ee hore oo ka mid ah ee xukunkii Cumar,wuxuu qabay saddexda dalqadood oo isku marka ahi in hal dalqad laga so qaadayo,sidaas ayaana ah sida lagu kulansan yahay(Ijmaaca) oo ka saxiixsan kana sugan,sida ay qaban qolada kale oo aragta in marka laga soo bilaabo waagii Cumar ilaa maanta Ijmaacu ku kulansan yahay in furiinka caynkaas ah laga soo qaado inuu u dhacayo saddexda dalqadood oo hal mar ah laga soo qaado hal dalqad,

Iyadoo ay taasi jirto waxaa laga maarmaan ah oo loo baahan yahay ninkii saddex ku fura xaaskiisa inuu ula noqdo culimada Alle yaqaanada ah ku camal fala cilmogooda si ay u odorsaan xaalkiisa,kaddibna gudoon sharciga waafaqsan ka soo saaraan oo caddeynaya in saddexdii lagu socodsiiyey ama dalqad laga soo qaaday.Sideeda ahaanbana waxaa sida saxan ah oo furriinka lagu tala galay in naagta marki la furayo iyadoo daahir ahoo aan la taaban ama uur leh la furo ,hal dalqadna lagu furo ,si fursad loogu helo labada kale tegey markey caro baaba’aan ama isku soo xiisan inay is ceshan karaan.Sidaasi waa sida sunnihii iyo jidkii ah.Naagtu iyadoo aan daahir ahayn in la furaa jid ma aha sunihiina ma aha,laakiin su’aashu waxay tahay:

Furiinka hadduusan jid aheyn iyo sunno oo bidco yahay ma dhacayaa?

jawaabtu waa haa wuu dhacayaa oo ay weliba u sii dheer tahay qofkii sidaas ku furay dambi,waayo wuxuu sameeyey furriin ah bidco iyo ku caasiyoobid Alle iyo Rasuulkisa s.c.w..Sidaasna waxaa wax ku xukumay saxabadii Nabiga s.c.w. culimadoodi ,taabiciintii iyo afarta mad-hab sheekhyadoodii. *Werin Muslim ku taalna waxay leedahay :Ibn Cumar wuxuu yiri isagoo la hadlaya nin naagtiisa saddex ku furay Adigu ama hal dalqad ku fur ama labo’e aniga Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu i amray inaan naagteyda so ceshado,oo haysto intay mar kale caado ka hesho,oo misna sugo inta ay daahir ka noqoto,markaas kadibna aan furo anigo taaban(u galmoon).

Adiguse waxaad ku furtey naagtaadii saddex dalqadood(mar keliya).Sidaas awgeed adigu waxaad ku caasiday Rabbigaa xagga siduu uu ku amray inaad u furto naagtada. *Werin kale Cabddullaah ibn Cumar wuxuu yiri:Marka Nebigu s.c.w. wuxuu ii soo ceshay(naagteydii)waxnana kama soo qaadin(furriinkii hore)oo wuxuu yiri:Markii ay naagtu daahirowdo ama ha furo ama ha heysto.

Wasalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuhu. Wabilahi towfiiq,

Kitaabkan la soco qaybihisa kale insha Allaah.

WQ: Zainab Maxamed

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*